Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.



 
HomePortalSearchLatest imagesRegisterLog in

 

 wado Isku xirtah degmada Baargaal iyo Tooxin

Go down 
AuthorMessage
Admin
Admin
Admin


Posts : 2
Join date : 2008-01-18

wado Isku xirtah degmada Baargaal iyo Tooxin Empty
PostSubject: wado Isku xirtah degmada Baargaal iyo Tooxin   wado Isku xirtah degmada Baargaal iyo Tooxin Icon_minitimeFri Jan 18, 2008 10:51 am



wado Isku xirtah degmada Baargaal iyo Tooxin Jidka2

Dadka degan aagga Degmada Baargaal iyo Tooxin ayaa intii muddo ah ka shaqaynayay sidii ay labada tuulo jid isku xiro u samayn lahaayeen, waxay fureen jid dhan 80 km, hase ahaatee 8 km oo u dhaxaysa labada tuulo ayaa ku adkaatay dadkii inay sii wadaan jidkii xag dhaqaale iyo xag farsamo awgeed.

Markaas ayey la soo xiriireen Hay’adda Jidadka DGPL, hay’adduna waxay isla markiiba u dirtay koox farsamo yaqaanna ah oo soo qiimeeya

kharashka ku baxaya samaynta 8 km, waxaay isticmaaleen habka (bill of quantities) ama tirada ciidda iyo dhagaxa la saarayo ama lagu buuxinayo, waxaana u soo baxay kharash dhan lix boqol oo kun oo doolar ( 600,000 US$).

Ka dib ayaa hay’addu u soo jeedisay Dowladda Puntland iyo Hay’adda Caalamigaa ee (ILO) codsi ah in laga caawino dhismaha jidkaan muhiimka u ah dadka ku nool degmooyinka Caluula iyo Baargaal.

Taariikhdu markay ahayd 28/08/2006 ayaa hay’adda ILO engineer ka socda oo la yiraahd engineer George K. Simba u ambabaxay Lafagoray, isna wuxuu ku soo qiimeeyay kharashka ku baxaya dhismaha jidkaan lacag dhan shan boqol iyo lixdan kun oo doolar (560,000 US$) isagoo isticmaalaya habka shaqaalaha iyo muddada shaqadu soconayso oo noqday 130 shaqaalaa maalintii muddo 18 bilood ah.

Bishii September 2006 ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu sameeyay qada sharaf lagu soo dhaweynayo engineer George Simba, loogana wada hadlayo sidii lays kaga kaashan lahaa furidda jidka Lafagoray. Waxaa lagu heshiiyay in loo qaybsado kharashkaan sidaan:

Dowladda Puntland 150,000 $
Hay’adda ILO 150,000 $
Bulshada Caluula/Baargaal 120,000 $
Hay’adda WFP 140,000 $ oo cunno ah
Total 560,000 $

Shaqadiina waxaa la bilaabay 9/Sep/2007, waxaana illaa iyo maanta la sameeyay jid dhan 3.2 km.

ugu danbayntii waxaan ilaah ka rajaynaa inuu sanadka cusub uu noqdoh
sanad u xambaarsan reer baargaal iyo reer puntland iyo dhmaan ummada soomaaliyeed khayr iyo barako iyo horumarba


lol!

Back to top Go down
https://ruunyo.board-directory.net
 
wado Isku xirtah degmada Baargaal iyo Tooxin
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
 :: Baargaal :: General Forum-
Jump to: